Maxay tahay sababta ka dambeysa in Israel ay aqoonsato Somaliland?

Maxay tahay sababta ka dambeysa in Israel ay aqoonsato Somaliland?

Waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaaray wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Gideon Sa’ar, isagoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka ayaa halkaasi kullan kula qaatay madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro, wuxuuna kullankaasi kusoo beegmay xilli muddo10 maalmood kahor ay Israel maamulka Somaliland u aqoonsatay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale islamarkaana leh madax-bannaani buuxdo.

Ilo xog-ogaal ayaa sheegaya in aqoonsiga lsrael ee Somaliland ay tahay mid ay ku badalanayso saldhigyo ciidan oo ay halkaasi ku yeelato, si ay kaga hortagto khataraha ka imaanaya maleeshiyada Xuuthiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen.

Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedeysay inay bartilmaameedsadaan maraakiibtooda iyo kuwa kalaba, kuwaas oo isaga kala goosha badda cas, iyadoona Israel ay arrinkaan u aragto inay tahay mid u furi karta waddo iskaashi militari.

Arrinkaan ay Israel ku dhaqaaday ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay mid ay Israel ku xad-gudubyso madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa si cad u beenisay in aqoonsiga ay ka heshay Israel ku badalatay saldhigyo ciidan ama ay fududeynayso dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza.

Lama oga meesha uu arrinkaan ku dambeyn doonno, balse dhawaan la filayaa in madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro uu socdaal ku taggo magaalada Jerusalem, halkaasi oo uu qorsheynayo inuu kula kulmo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Nitanyahu.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 kadib dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxayna muddo 34 sano sugaysay in maalin maalmaha kamid ah loo aqoonsado inay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, taas oo ay Israel noqotay kuwii ugu horeeyay ee madax-banaani u aqoonsada.