Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday xukunka Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka dacwaddii loo heystay Sacdiyo Macallin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, kadib muddo ku dhow saddex bilood oo ay xabsi ugu jirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Saalax Dabaan), ayaa ku dhawaaqay in Sacdiyo Bajaaj lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib markii ay maxkamaddu soo gabagabeysay dhammaan marxaladihii dhageysiga dacwadda.

Dacwaddan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay soo martay wajiyo kala duwan oo sharciyeed, iyadoo maxkamaddu dhegeysatay doodaha xeer ilaalinta qaranka, qareennada difaaca iyo hadallada eedeysanaha.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa Sacdiyo Bajaaj kusoo oogay eedeymo ay ka mid yihiin kicin dadweyne, abaabulka banaanbaxyo aan sharciyeysneyn iyo hadallo lagu tilmaamay kuwo meel ka dhac ku ah madaxda dowladda.

Dhinaca kale, qareennada difaacayay Sacdiyo Bajaaj ayaa muujiyay inaysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda, iyagoo sheegay inay qaadan doonaan racfaan si kiiska loogu gudbiyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka maanta lagu riday Sacdiyo Bajaaj ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga muujinayo go’aanka maxkamadda.