Musharrax Liibaan Shuluq oo shacabka deegaannada Mudug iyo Galgaduud taageero ka raadinaya

Musharrax Liibaan Shuluq oo shacabka deegaannada Mudug iyo Galgaduud taageero ka raadinaya

Wafdi uu hoggaaminayo musharraxa hoggaamiyaha Galmudug ee xisbiga JSP, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), oo socdaal ku maraya deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa shacabka deegaannadaasi kaga dalbanaya taageeradooda doorashada qof iyo codka ah ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo maamulka Galmudug.

Musharrax Liibaan Shuluq iyo wafdigiisa ayaa waxaa goobaha ay booqanayaan kusoo dhaweeynaya qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, xildhibaano heer federaal iyo heer maamul goboleed, iyo xubno ka tirsan xisbiga JSP.

Musharrax Liibaan Shuluq oo shacabka deegaannada Mudug iyo Galgaduud taageero ka raadinaya

Kulamada uu musharraxu la yeelanayo shacabka ayaa lagu soo bandhigayaa qorshihiisa siyaasadeed, xaaladda amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashada qof iyo codka ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo doorka shacabka ee go’aan qaadashada siyaasadeed.

Musharrax Liibaan Shuluq oo shacabka deegaannada Mudug iyo Galgaduud taageero ka raadinaya

Dhinaca kale, musharrax Liibaan Shuluq oo khudbad ka jeediyay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa sheegay in haddii uu helo taageerada shacabka uu mudnaan siin doono xoojinta amniga iyo sidii loo soo afjari lahaa joogitaanka kooxda Al-shabaab ee deegaannada Galmudug.

Musharrax Liibaan Shuluq oo shacabka deegaannada Mudug iyo Galgaduud taageero ka raadinaya

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka wafdiga musharrax Liibaan Shuluq ee deegaanada Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan ololayaasha siyaasadeed ee la xiriira doorashada hoggaanka Galmudug, iyadoo musharraxiinta iyo ururrada siyaasadda ay wadaan dadaallo ay ku raadinayaan taageerada shacabka ka hor maalinta codbixinta.