Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dib u dhiska xarunta dhexe ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, kaas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo hay’adaha qaranka iyo tayeynta adeegyada dadweynaha.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ay door muhiim ah ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta wax soo saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan, isagoo tilmaamay in dib-u-dhiska xaruntu uu sare u qaadi doono adeegyada ay bixiso wasaaraddu.


Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xarunta wasaaraddu ay jirtay muddo ku dhow 50 sano, isla markaana ay ka muuqatay duugow, isagoo sheegay in dib u dhiskeedu uu yahay tallaabo lagu tayeynayo awoodda hay’adda iyo howlaha ay bulshada u hayso, wuxuuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay ka mid tahay hay’adaha laf-dhabarta u ah horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in la filayo in Soomaaliya laga hirgeliyo warshado waaweyn oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed iyo maalgashadeyaal ajnabi ah, isagoo xusay in dowladda ay ku dadaalayso kobcinta wax soo saarka iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda.


Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, hirgelinta mashruuca dib u dhiska xarunta wasaaradda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hay’adda iyo adeegyada ay bulshada u hayso.


Si kastaba ha ahaatee, dib u dhiska xaruntaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu dayactirayo laguna casriyeynayo xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si loo horumariyo tayada adeegyada iyo hufnaanta shaqada hay’adaha qaranka.