Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono madaxda maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee saamileyda siyaasadda, si loo sii xoojiyo wadahadallada la xiriira geeddi-socodka doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee maamulka.

Booqashada ra’iisul wasaare Xamse ee Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in is-afgarad looga gaaro arrimaha doorashada Galmudug, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in horumar laga sameeyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii wada dhaliilaha ay u jeedinayaan hannaanka ay dowladda federaalka u wajahday doorashooyinka maamul goboleedyada, iyagoo ku baaqaya in la helo nidaam doorasho oo hufan, loo dhan yahay, kana tarjumaya rabitaanka dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Mucaaradku waxay ku adkeysanayaan muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka lagu saleeyo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Qorshahaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka ay hore u taageertay qabsoomidda doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo Galmudug loo arko maamulka xiga ee geli doona marxaladda doorashada hoggaanka.

Sidoo kale, waxaa jira qorsheyaal la xiriira hirgelinta doorashooyin kale oo ka dhaca maamullada dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo nidaamka axsaabta siyaasadeed iyo doorashooyinka tooska ah ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, doodaha ku saabsan hannaanka doorashada dalka ayaa weli ah kuwo taagan, iyadoo dowladda, mucaaradka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda ay kala wataan aragtiyo ku saabsan qaabka ugu habboon ee lagu gaari karo doorashooyin loo dhan yahay, kuwaas oo gacan ka geysan kara xasilloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya.