Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo loo diiday inuu galo dalka Kenya

ra'iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, laga celiyay magaalada Nairobi, kadib markii uu kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Sida ay tabinayaan warbaahinta gudaha Kenya, mas’uulkan ayaa lagu tuhmay inuu haysto baasaboor Kenyan ah, inkastoo uu dalka Kenya ku galay baasaboor diblomaasiyadeed oo Soomaali ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha socdaalka Kenya ay ka dalbadeen inuu wareejiyo baasaboorka Kenyan-ka ah oo la sheegay inuu haysto, hase yeeshee uu arrintaasi ka biyo diiday.

Diidmadaas ayaa la sheegay inay keentay in si deg-deg ah loogu amro inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhacdadaan ayaa tilmaamaysa in arrintan ay la xiriirto baaritaan socdaal iyo hubin dukumentiyo, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta dhacdadaan.

Ilaa iyo haatan, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama dowladda Kenya oo si cad uga hadlaya dhacdadaan, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo laga helo labada dhinac.