Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo furay toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo furay toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya 2026

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya 2026 (Italy–Somalia Business Week 2026).

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, ganacsato Soomaaliyeed, iyo wafdi ballaaran oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi, xoojinta ganacsiga iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta u furan tahay ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, isagoo xusay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo furay toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya 2026

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay wado dib-u-habeynno lagu horumarinayo jawiga ganacsiga dalka, si loo soo jiito maalgashadayaasha caalamiga ah loona xoojiyo kalsoonida ganacsatada gudaha iyo kuwa dibadda.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo furay toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya 2026

Si kastaba ha ahaatee, toddobaadka ganacsiga Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inuu horseedo heshiisyo cusub iyo iskaashi dhaqaale oo dhexmara ganacsatada iyo shirkadaha labada dal, kuwaas oo gacan ka geysan kara kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dhinac.