Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo xarunta madaxtooyada Baydhabo

Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo xarunta madaxtooyada Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid cusub oo laga dhisayo xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo, kaas oo loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha iyo martida booqata xarunta.

Munaasabadda dhagax-dhigga masjidka ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha madaxtooyada, iyadoo mashruucan lagu tilmaamay mid gacan ka geysanaya xoojinta adeegyada iyo kor u qaadista qiyamka diinta Islaamka.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo
Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dhismaha masjidkan uu muujinayo muhiimadda ay dowladdu siinayso dhiirrigelinta cibaadada iyo dhismaha xarumo bulshada waxtar u leh, isagoo xusay in goobtu ay u adeeggi doonto dadka ka howlgala madaxtooyada iyo martida soo booqata.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo
Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo

Dhinaca kale, wasiirka magacaaban ee wasaaradda warfaafinta ahna wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta, Nuur Siidow Baaba, iyo wasiirka cusub ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, Aadan Macalin C/raxmaan, ayaa soo dhaweeyay mashruuca, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo cibaadada, wacyigelinta diinta iyo isku xirnaanta bulshada.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo
Sheekh Aadan Madoobe oo dhagax dhigay masjid laga hirgelinayo madaxtooyada Baydhabo

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha masjidkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu waddo dadaallo lagu horumarinayo xarumaha dowladda iyo adeegyada bulshada, iyadoo masjidku la filayo inuu noqdo goob muhiim u ah howlaha cibaadada iyo kulamada wacyigelinta diinta.