Sheekh Aadan Madoobe oo kusoo dhaweeyay Baydhabo wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Sheekh Aadan Madoobe oo kusoo dhaweeyay Baydhabo wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Hoggaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen wasiirrada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee maamul goboleedyada dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, u diyaar-garowga iyo ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale.

Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda Baydhabo, isaga oo xusay in iskaashiga hay’adaha dowladda uu laf-dhabar u yahay kor u qaadista awoodda dalka ee maareynta masiibooyinka iyo hubinta in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo shacabka u baahan taageerada.

Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada hay’adaha dowladda, si loo yareeyo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah loona xoojiyo taageerada la siiyo bulshada nugul ee ay saameeyaan xaaladaha bani’aadannimo.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamul goboleedyada dalka ayaa dhankooda bogaadiyay dadaallada maamulka Koonfur Galbeed ee ku aaddan isku-duwidda howlaha gargaarka iyo taageerada loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Mas’uuliyiintaasi ayaa sidoo kale adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, si loo helo xalal waara oo lagaga gudbo caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, isla markaana loo dhiso hannaan wax-ku-ool ah oo ka jawaabi kara masiibooyinka soo noqnoqda.

Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SoDMA

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay weli wajahaan saameynta isbeddelka cimilada, abaaraha iyo fatahaadaha, kuwaas oo si toos ah u saameeyay nolosha iyo nolol-maalmeedka kumannaan qoys oo Soomaaliyeed.