Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa amniga Koonfur Galbeed

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa amniga Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kulan muhiim ah kula qaatay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiisha uu Sheekh Aadan Madoobe la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal C/laahi Aadan Xuseen (Cirro), taliyaha qaybta 60-aad ee CXDS, Korneel Isaaq Berdaale, iyo taliyaha nabad-sugidda ee Koonfur Galbeed, Macalin Saalax C/nuur Cali, kuwaas oo uu ka dhageystay warbixin dhameystiran oo la xiriirta xaaladda amni ee magaalada Baydhabo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay si degdeg ah uga falceliyeen shaqaaqadii dhacday, isla markaana ay ku guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday kooxo maleeshiyaad ah oo isku dayay inay falal amni-darro ka fuliyaan gudaha magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey ciidamada amniga dadaalkooda joogtada ah iyo sida ay uga hortageen falalkii lagu carqaladeyn lahaa xasilloonida magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyey geesinimada, feejignaanta iyo heeganka ay muujiyeen ciidamada kala duwan ee amniga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay saraakiisha amniga iyo ciidamada qalabka sida inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, islamarkaana ay sii wadaan la dagaallanka kooxaha ku howlan falalka amni-darrada, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka.