Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi)

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo lagu qabtay howlgal ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen goobo kala duwan oo lagu qarinayay hub sharci-darro ah.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano (Macalin Mahdi) oo shir jaraa’id ku qabtay degmada C/casiis ayaa warbaahinta u soo bandhigay hubka la soo qabtay, isagoo sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu sugayo amniga degmada iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay

Sidoo kale, waxa uu taliyaha xusay in howlgalka wali socdo, isla markaana lagu soo qabtay hub fara badan oo laga helay meelo kala duwan, isagoona sidoo kale sheegay in faahfaahinta howlgalka iyo hubka la qabtay lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, taliye Mahdi ayaa digniin adag u diray dadka lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin abaabulka maleeshiyaad hubeysan iyo kaydinta hubka sharci-darrada ah, isagoo sheegay in hay’adaha ammaanku ay tallaabooyin sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay
Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda aysan oggolaan doonin falal amniga wax u dhimaya, isla markaana dadka lagu helo dambiyadaas la horgeyn doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Banaadir, wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay
Taliska booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lasoo qabtay

Si kastaba ha ahaatee, howlgalada amni ee ka socda degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli ay hay’adaha ammaanka xoojiyeen dadaallada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah, kadib xiisado iyo iska horimaadyo dhawaan ka dhacay qaybo kamid ah degmadaas.