Taliska booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro caan ah oo lagu eedeeyay faafinta falal dhaqan xumo

Taliska booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro caan ah oo lagu eedeeyay faafinta falal dhaqan xumo

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda dambi-baarista (CID), ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay 10 dhallinyaro oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayeen waxyaabo ka hor imaanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed C/fitaax Aadan Xasan oo ka hadlay munaasabadda lagu soo bandhigayay eedeysanayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhallinyaradaan ay ka faa’iideysteen amniga iyo xasilloonida ka jirta magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku howlanaayeen faafinta waxyaabo uu ku tilmaamay dhaqan-xumo iyo arrimo dhaawacaya qiyamka bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in eedeymaha loo haysto dhallinyaradaan ay kamid yihiin faafinta waxyaabo lid ku ah anshaxa guud iyo dhiirrigelinta falal uu sheegay inay ka hor imaanayaan diinta iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Dhallinyarada maanta lasoo bandhigay waxaa ku jira shaqsiyaad si weyn looga yaqaan baraha bulshada, kuwaas oo qaar kamid ah maalmihii lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Muqdisho, kaddib baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha amniga.

Waxaa kamid ah dadka lasoo bandhigay mid kamid ah dadka sida weyn looga yaqaan baraha bulshada ee lagu magacaabo Shabalaaza, kaas oo maalmo kahor ay xireen ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale, hay’adaha amniga ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin heerka uu marayo baaritaanka kiiskan iyo goorta maxkamad la horgeyn doono eedeysanayaasha, hase yeeshee booliska ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal ka hor imaanaya shuruucda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli hay’adaha ammaanka ay kordhiyeen la socodka waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo dowladdu sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta anshaxa bulshada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.