Taliyaha ciidanka dhulka dowladda Turkiga, Sarreeye Guuto Metin Tokel, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal C/laahi Cumar, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa loo sameeyay soo dhaweyn ciidan oo waafaqsan hab-maamuuska ciidamada, taas oo muujinaysay xiriirka dhow iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga.


Booqashadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli labada dal ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha awoodda ciidamada, iyadoona Turkiga uu ka mid yahay dalalka sida weyn uga qeyb qaatay taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarrada, qalabaynta iyo kor u qaadista tayada ciidamada.

Taliyaha ciidanka dhulka Turkiga Sarreeye Guuto Metin Tokel iyo mas’uuliyiinta ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo looga hadlayo xoojinta wada-shaqeynta milatari, horumarinta barnaamijyada tababarka iyo is-dhaafsiga khibradaha ciidamada labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay yeeshay xiriir ku saleysan iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga iyo difaaca, iyadoona booqashadaan la filaayo inay sii adkeyso xiriirka labada ciidan isla markaana gacan ka geysato dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.