Turkiga oo sheegay in aqoonsiga Israel aysan wax faa’iido ah u ahayn Somaliland

Turkiga oo sheegay in aqoonsiga Israel aysan wax faa’iido ah u ahayn Somaliland
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa si kulul uga hadlay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, isagoona tallaabadaasi ku tilmaamay mid nasiib-darro iyo musiibo weyn ku ah Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayay arrimo badan oo la xiriira xaaladda caalamka iyo siyaasadaha gobolka ayaa sheegay in aqoonsiga Israel uusan wax faa’iido ah u ahayn Somaliland, balse uu yahay mid dhaawacaya sumcaddeeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israel ee Somaliland inuu yahay musiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland, mana jirto wax ka weyn musiibo ku timaadda bulsho ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? waana arrin u baahan is-xisaabin iyo ka fiirsasho dhab ah” Sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Somaliland aan lagu aqoonsan sabab la xiriirta xaq ama sharci, balse ay Israel u adeegsanayso dano siyaasadeed oo gaar ah oo ay ka leedahay gobolka.

“Qofna ma aqoonsana, Israel ayaana ku aqoonsatay, ma aha sababta aad tahay, balse sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeeddooyin xun iyo siyaasadooda gobolka, waana tallaabo ceeb iyo ciqaab weyn ku ah goboka” ayuu wasiirka hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan cambaareynta caalamiga ah ee ka dhanka ah tallaabadii ay Israel ku aqoonsatay Somaliland.