Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada Guriceel kusoo dhaweeyay maamulka degmada, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.

Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud
Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Safarka agaasimaha NISA ee degmada Guriceel ayaa la xiriira qorshayaal lagu dardargelinayo sugidda amniga, xasilinta iyo nabadeynta deegaannada Galgaduud, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta ka dhaxeeysa hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.

Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho maamulka degmada Guriceel, qeybaha bulshada rayidka ah iyo saraakiisha laamaha amniga, si looga wada hadlo xaaladda amni ee degmada iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo shacabka.

Wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha NISA oo maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii u dambeeyay safarro dhanka dhulka ah ku marayay deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida gobolka.