Wasiir Cali Xoosh oo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu xilka iska casilayo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu qorsheynayo inuu iska casilo xilka wasiirnimo ee uu ka hayo xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, isagoo caddeeyay inuu sii wadanayo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan inuu xilka ka dego.

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in xogaha la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan lahayn sal iyo raad, isagoo eedeyn u jeediyay dad uu ku tilmaamay inay isu ekaysiinayaan wariyeyaal, kuwaas oo uu sheegay inay bulshada ku faafiyaan warar aan la hubin.

“Ma jirto inaa xilka iska casilayo, been abuurkaasi waxaa sameeyay shaqsiyaad isku ekaysiinaya wariyeyaal, kuna shaqeysta marin habaabinta bulshada iyo faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto wax qorshe ah oo aan haatan xilka iskaga casilayo” Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya inuu xilka iska casili doono.