Wasiir Fiqi oo si adag uga falceliyay hadallo kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Wasiir Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga falceliyay hadallo uu jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo uu ka sheegay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa hadalkiisa ku sheegay in dalka aan si dhab ah looga dareemayn xorriyad buuxda, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay kaliya xusayaan xorriyaddii 1960-kii.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku kacdo xarig iyo caburin, isla markaana uu sheegay in xiriirka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka uu marayo heer adag.

“Xorriyad macnaheedu maanta kama jiro dalkaan, xorriyadda aan u dabaal-degeyno waa middii 1960-kii, waxaan qiimeyneynaa odayaashii, awooweyaashii, iyo ayeeyayaashii xorriyadda u istaagay, waxa yar ee haray ee naga hor muuqda oo magacii ahna, waxaan rabnaa inaan u istaagno oo aan ku dadaalno xoojintiisa, si aan u gaarsiino meel uu qof kasta oo Soomaali ah ku qanci karo” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka jawaabay hadalladaasi, ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu si joogto ah u soo bandhigo dhaliilo uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka.

Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay Sheekh Shariif inuu yahay qof ku wareeray dagaalladii uu dhawaan ku galay Muqdisho, isla markaana uu gurigiisa ka dhigay goob ay isugu yimaadaan dhalinyaro loo qeybiyo boorar, si ay u caayaan madaxda dowladda.

“Runtii Shariif waa nin kusoo wareeray dagaalladii uu dhawaan galay, mar uu yiraahdo Xasan Sheekh waa iga hor-dhimanayaa, annagaa sii harayna, iyo mar uu yiraahdo ma naqaano diin ay haysato dowladda Soomaaliya, marka hadalladiisa meel kasoo qaad maleh” Ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ka hadlay fahamka uu Sheekh Shariif ka haysto macnaha xorriyadda, isaga oo ku tilmaamay inuu xorriyadda macnaheeda si qaldan u fahmay.

“Xorriyaddu ma waxay tahay in hoobiyeyaal lagu garaaco shacabka Muqdisho? Ma taas ayuu Shariif xorriyad u yaqaanaa? Dalkaan waa xor, calankiisuna waa taagan yahay, ceeb ayayna ku tahay in hadallo noocaan oo kale ah ay kasoo yeeraan qof mas’uul ah oo doonaya inuu dalka madax ka noqdo,” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira maamulka, amniga iyo jihada guud ee dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.