Wasiirka gaashaandhigga oo hadalo kulul hawada u mariyay agaasimihii hore ee NISA C/laahi Sanbaloolshe

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo sheegay inuusan marnaba cafin doonin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanbaloolshe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay masuuliyadda weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen guriga Xildhibaan Jacfar, xilli uu halkaasi ku sugnaa isaga iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay madaxweynaha inuu yahay qof aan naxariis lahayn, isaga oo ku dooday in haddii uu heli lahaa diyaarado dagaal uu xitaa duqeyn lahaa goobtaasi.

Dhankiisa, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa si adag uga falceliyay eedeymahaasi, isaga oo sheegay in dadka dowladda ku eedeynaya qorshe dil ah ay maanta ka faa’iideysanayaan dulqaad iyo naxariis ay dowladdu muujisay.

“Way ooyayaan, waxay leeyihiin waa nala dili rabay. In ay maanta nool yihiinba waa naxariis, weliba la sii daayay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo ka hadlayay eedeymaha ay soo jeediyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Si kastaba ha ahaatee, hadaladaan is-dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimo la xiriira amniga, doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.