Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u dhaliilay warbixin ay dhawaan soo saartay kooxda International Crisis Group oo ku saabsan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay mid aan ka turjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.
Wasiirka oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan jiidda hore ee deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo uu xusay inay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in warbixinta ay soo saartay International Crisis Group ay gef ku tahay ciidamada qalabka sida, shacabka Soomaaliyeed iyo dadkii nafahooda ku waayay ama ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoona xusay in naf-hurnimada iyo dadaallada loo huray xoreynta dalka aysan mudnayn in si khaldan loo soo bandhigo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay weli khatar ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadaan falal ay ka mid yihiin dilal iyo weerarro amniga wax u dhimaya.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay kuwo aan dan ka lahayn horumarka Soomaaliya inay bixiyeen xogaha saldhigga u noqday warbixintaas, isagoo sheegay inaan la aqbali karin warbixin uu ku tilmaamay mid marin-habaabin ah.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sii waddo howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaas oo ka socda gobollo kala duwan oo dalka ka tirsan.