Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo dib u xasuusiyay Xasan Sheekh wixii dhacay xilligii uu mucaaradka ahaa

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo dib u xasuusiyay Xasan Sheekh wixii dhacay xilligii uu mucaaradka ahaa

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo dib u xusuusiyay dhacdooyinkii dhacay xilligii uu mucaaradka ahaa, xilli uu dalka ka jiray muran siyaasadeed oo la xiriiray doorashooyinka, islamarkaana uu madaxweynaha ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in habeenkii 19-kii Febraayo 2021 weerar lagu qaaday Hotel Maa’ida, xilli sida uu sheegay ay halkaasi ku sugnaayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo abaabulayay mudaaharaad siyaasadeed.

Wuxuu xusay in isaga, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabteen xarunta Xasan Cali Khayre si ay u cambaareeyaan weerarkaasi uguna muujiyaan taageero iyo garab istaag.

Sida uu sheegay, subaxdii xigtay iyagoo wada mudaaharaadaya ayay la kulmeen rasaas lagu furay, isagoona sidoo kale tilmaamay in Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu xilligaas Xasan Sheekh kasoo saaray Hotel Maa’ida, isaga oo xusay in Xasan Sheekh uu markaas uga mahadceliyay taageeradii iyo garab istaaggii ay la garab taagnaayeen.

Xildhiabaan C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu maanta ku kacayo falal kasii daran kuwii uu hore uga caban jiray, isaga oo sheegay in hub culus loo adeegsaday goobo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo ergooyin ku howlanaa dadaallo dhexdhexaadin iyo nabadeyn.

Wuxuu si gaar ah u xusay in weerarrada uu sheegay in lagu qaaday Xasan Cali Khayre iyo tallaabooyinka ka dhanka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn doorkii ay hore uga qaateen taageerada iyo garab istaagga Xasan Sheekh xilliyadii uu wajahayay cadaadis siyaasadeed.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa ka hadlay xaaladda ciidamada dowladda, isaga oo sheegay inay jiraan caqabado saameynaya waxqabadkooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mushaar la’aan, niyad-jab iyo cabashooyin la xiriira caddaalad-darro iyo, sida uu sheegay, eex ka jirta hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhaliilo adag u jeediyay hoggaanka dowladda, isaga oo ku dooday in hab-maamulka iyo go’aannada siyaasadeed ee hadda jira ay horseedi karaan cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo aan dalka dan ugu jirin.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan xasuusinta iyo dhaliisha xambaarsan ee kasoo yeeray Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, hannaanka maamulka dalka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.