Xisbiga Farmaajo oo soo bandhigay nooca doorasho ee looga gudbi karo khilaafka taagan

Xisbiga Farmaajo oo soo bandhigay nooca doorasho ee looga gudbi karo khilaafka taagan

Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qaabka doorasho ee uu u arko inuu Soomaaliya uga gudbi karo xaaladda siyaasadeed ee taagan, kadib markii uu ka qeyb galay wareegga labaad ee wada-hadallada doorashooyinka ee Muqdisho uga socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Wada-hadallada oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo xisbiga Nabad iyo Nolol, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socday Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Guddiga farsamo ee xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray in dhinacyadu ay soo bandhigaan aragtidooda ku aaddan nooca doorasho ee ay taageerayaan iyo sidii looga gudbi lahaa khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Xisbiga ayaa sheegay in aragtidiisa doorasho ay ku dhisan tahay toban qodob oo ay ka mid yihiin in doorashadu noqoto mid shacabka si fudud u fahmi karaan, lagu kalsoonaan karo, waqtigeeda lagu qaban karo, isla markaana ay ka qeyb geli karaan dhammaan muwaadiniinta doonaya inay codeeyaan.

Sidoo kale, Nabad iyo Nolol ayaa soo jeedisay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo codeyntu ay ka dhacaan hal goob iyo hal maalin, in qof walba uu codkiisa ku doorto xisbiga uu taageersan yahay, isla markaana kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo tirada codadka ay helaan xisbiyada siyaasadeed.

Xisbiga ayaa sidoo kale ku baaqay in maamulka iyo amniga doorashada ay ku qanacsanaadaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, iyadoo doorashadu noqoto mid mideysa shacabka Soomaaliyeed, ilaalisana xorriyadda iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.

Dhinaca kale, xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa sheegay in qaabka uu soo bandhigay uu yahay qorshe hore loo diyaariyay sanadkii 2018 xilligii madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, kaas oo ay ka shaqeeyeen guddiyo farsamo oo ka kala socday hay’adaha doorashooyinka iyo xafiisyadii kala duwanaa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, xisbiga Nolol iyo Nolol ayaa sheegay in nidaamkaas uu yahay mid la jaanqaadaya doorashada qof iyo cod ee ay hadda dowladda federaalka Soomaaliya qorsheyneyso, isla markaana uu saldhig u noqon karo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiin karaan.