Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammeystirka iyo ansixinta dastuurka dalka uu yahay guul qaran oo taariikhi ah, islamarkaana lagu soo afjaray baahi muddo dheer ka jirtay dalka.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, C/raxmaan Aadan Cali, ayaa maqaal uu ku qoray Aljazeera ku sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay ballanqaadyadii siyaasadeed ee ugu muhiimsanaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sheegay in tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya ay ku jirtay geeddi socod iyo dib u dhis dowladeed, iyadoo dastuur KMG ah la ansixiyay sanadkii 2012, balse uu u baahnaa dib-u-eegis iyo dhammeystir.
Afhayeenka ayaa sheegay in dib u eegista dastuurka ay ku timid wadatashiyo siyaasadeed iyo bulsho oo ballaaran, iyadoo la tixgeliyay tallooyin ay soo jeediyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ugu dambeyntii, wuxuu afhayeenku sheegay in ansixinta dastuurka uu fure u yahay qabashada doorashooyin toos ah oo ku dhisan mabda’a “qof iyo cod”, taas oo muddo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aaminsan in dhammeystirka dastuurka uu xoojin doonno dowladnimada, mideynta shacabka iyo horumarinta nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya.