AFRICOM oo weerar cirka ah ku qaaday fariisimaha Daacish ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

AFRICOM oo weerar cirka ah ku qaaday fariisimaha Daacish ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay fuliyeen duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Daacish ku leedahay togga Baallade ee ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkan cirka ah uu ka dhacay meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay AFRICOM iska kaashadeen ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoona sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ISIS-Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda kooxda.

Illaa iyo haatan ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, gaar ahaan bartilmaameedyada lagu weeraray talisyada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad.

Duqeyntan ayaa kusoo aadaysa xilli maamulka Puntland uu hoos u dhigay qaar ka mid ah howlgalladii milatari ee ka dhanka ahaa kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, iyadoo halkaas laga saaray ciidamadii halkaaas kooxda kula dagaalamayay.

Puntland ayaa sheegtay in tiro yar firxad ah oo ka tirsan Daacish ay weli ku go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad, kuwaas oo laga jaray sahaydii ay ka heli jirtay koox taageerayaal ah oo si qarsoodi ah raashinka iyo xoolaha ugu gudbin jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka ayaa muddo ka badan hal sano Puntland ka taageeraysay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka dagaallanta buuraha Calmiskaad, iyadoo siinaysay taageero dhinaca duqeymaha cirka iyo xogaha sirdoonka.