Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso ayaa sanadkan Soomaaliya uga qaybgalaya shirka sanadlaha ah ee Haweenka Adduunka oo ka socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Shirkan oo ay ka soo qaybgalaan wufuud ka kala socota dowlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaraa horumarinta xuquuqda haweenka, xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta iyo ka qaybgalka horumarinta bulshada.
Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka kusoo bandhigtay guulaha iyo horumarka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada xuquuqul insaanka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xuquuqda haweenka iyo ka qaybgalka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.
Sidoo kale, wasiirka iyo wafdigeeda ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda iyo wufuudda ka qaybgalaysa shirka, iyagoo uga warbixiyay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday ee la xiriira dib u soo celinta iyo xoojinta nidaamka xuquuqul insaanka.
Wasiirku waxay si gaar ah uga hadashay dhismaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaas oo la filayo inuu door muhiim ah ka qaato ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka.
Intii lagu guda jiray shirka, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale soo bandhigay horumarka ay haweenka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, iyagoo muujiyay sida ay haweenku u sii kordhinayaan doorkooda hoggaamineed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, shirka haweenka adduunka ayaa sanad kasta lagu qabtaa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxaana lagu falanqeeyaa caqabadaha iyo fursadaha la xiriira horumarinta xuquuqda haweenka caalamka.