Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa markale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ka qeyb galeen xildhibaanada baarlamaanka saddexaad.
Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada, Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha baarlamaanka isagoo helay 67 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Diini Sheekh Xasan uu helay 11 cod, iyadoo doorashadana ay ka qeyb qaateen 80 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo si toos ah u dhiibtay codkooda.
Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa la sheegay inuu yahay siyaasi khibrad dheer leh, isagoo muddo dheer ku dhex jiray siyaasadda Soomaaliya, kana soo qabtay xilal muhiim ah, oo ay ku jirto inuu horey u noqday guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo ka dhigeysa in dib-u-doorashadiisa loo arko mid muujinaysa kalsoonida ay xildhibaanadu ku qabaan hoggaankiisa iyo waayo-aragnimadiisa.
Doorashadan ayaa kusoo aadeysa xilli baarlamaanka saddexaad ee Koonfur Galbeed uu si rasmi ah u shaqo bilaabay, iyadoo xildhibaanaduna ay hadda u diyaar garoobayaan tallaabada xigta oo ah doorashada madaxweynaha maamulkaas.
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ah mid muhiim u ah jihaynta howlaha sharci-dejinta iyo siyaasadda maamulka, iyadoo la filayo in hoggaanka cusub uu door weyn ka qaato xasilloonida siyaasadeed iyo dardargelinta howlaha dowladnimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyn, dib-u-doorashada Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa noqoneysa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo indhaha lagu hayo doorashooyinka xiga ee hoggaanka sare ee maamulka.