Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, kuwaas oo lagu soo xulay hannaan waafaqsan shuruucda iyo nidaamyada doorasho ee u dejisan maamulka.

Liiska lasoo bandhigay ayaa ka kooban 95 xubnood, kuwaas oo matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo guddigu xaqiijiyay in dhammaan xubnahaasi ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa xildhibaannimada, taasoo muujineysa in doorashadan lagu saleeyay hannaan sharciyeysan oo la jaanqaadaya xeerarka dowlad-goboleedka.

Mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ku dhawaaqista liiskan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhameystirayo hay’adaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoona sidoo kale xusay in arrintani ay door weyn ka qaadan doonto xoojinta nidaamka dowladnimo, isla markaana ay dardar gelin doonto howlaha siyaasadeed iyo kuwa horumarineed ee ka socda deegaannada maamulka.

Kulankooda ugu horreeya ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada guddoonka baarlamaanka, taas oo ah tallaabada ugu horreysa, ka dibna marka la soo doorto guddoonka, waxaa si toos ah loo guda geli doonaa doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la filayo inay noqoto marxalad kale oo muhiim ah oo lagu go’aaminayo hoggaanka maamulka.

Dhinaca kale, dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo sida ugu dhaqsaha badan, iyadoona tani ay ka dhigan tahay marxalad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo sharciyadda baarlamaanka cusub, isla markaana lagu dhameystirayo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Dad badan ayaa rajo ka qaba in baarlamaanka cusub uu horseedo xasillooni siyaasadeed, hufnaan maamul iyo horumar la taaban karo oo ka hirgala guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, dhismaha baarlamaanka cusub ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, laguna abuuri karo jawi siyaasadeed oo deggan, taas oo saldhig u noqon karta horumar waara.

Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo shaaciyay liiska xildhibaanada cusub