Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga jawaabay hadal maalintii shalay kasoo yeeray wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid xambaarsan hanjabaad siyaasadeed iyo fariimo cabsi gelin ah, islamarkaana aanu ka tarjumayn mas’uuliyad dowladeed iyo dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Goluhu wuxuu sheegay in hadallada Wasiir Fiqi aysan u arkin kuwo shaqsi ah, balse ay aaminsan yihiin inuu ku hadlayo afka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ku eedeeyeen inuu muddooyinkii dambe ku howlanaa abaabul ciidan iyo cadaadis siyaasadeed.
“Hanjabaadaha dagaal ee uu wasiirka gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta Axmed Macallin Fiqi u jeediyay goluhu uma arko hadal siyaasadeed, balse wuxuu ku matalayaa Xasan Sheekh oo muddooyinkan ku howlanaa abaabul ciidan iyo cabburin shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sidoo kale sheegay in hadallada noocan oo kale ah ay sii hurin karaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, xilli ay jiraan dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu marayo meel xasaasi ah, kadib fashilkii wadahadalladii dhawaan ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
