Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in madaxweynuhu uu si sharci darro ah kusii joogo xarunta Villa Soomaaliya, islamarkaana aanu jirin go’aan sharci ah oo uu ka gaari karo qaabka doorashooyinka dalka.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sameystay muddo-kordhin sharci darro ah, isagoo sheegay inuu maalmo ku sugnaa Villa Soomaaliya isaga oo aan haysan sharciyad buuxda oo uu halkaasi kusii joogo.
Sidoo kale, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe iyo guutooyin cusub oo u xareysan madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo loo diyaariyay in loo adeegsado caburinta mucaaradka iyo dano siyaasadeed oo gaar ah.
“Waxaan ognahay Xasan Sheekh inuu abaabul ciidan wado, wuxuuna soo wadaa ciidamo lagu tababarayo gobollada dhexe iyo guutooyin cusub oo isaga u xareeysan iyo ciidamo ku sugan TurkSom inuu soo wado ayaan ognahay,” Ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in ujeeddada ka dambeysa abaabulkaasi ay tahay, in lagu caburiyo mucaaradka iyo shacabka kasoo horjeeda siyaasadda dowladda, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay inaysan ka baqayn awood ciidan.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo dhawaan iclaamiyay bannaanbaxyo cusub oo la qorsheynayo inay 4-ta June ka dhacaan magaalada Muqdisho.