Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dhalinyaradii ka qeyb gashay banaanbaxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ciidamada ammaanku xalay xabsiga dhigeen.
Xildhibaanka ayaa walaac ka muujiyay xarigga loo geystay dhalinyaradaasi, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan cabashadooda iyo aragtidooda siyaasadeed.
Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa dhaliilay tallaabada ay ciidamada dowladda ku qabteen dadka ka qeyb galay banaanbaxa, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay ilaaliso xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Dhinaca kale, taliska booliska Soomaaliyeed ayaa xalay soo bandhigay sawirrada qaar kamid ah dhalinyarada la xiray, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal qalqal gelin amni iyo rabshado la xiriira banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay socdaan baaritaanno la xiriira eedeymaha loo jeediyay.
Ugu dambeyn, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay qaabka ay ula tacaaleyso banaanbaxyada iyo shacabka cabashada muujinaya, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo xorriyadda aragtida siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay sii kordheysa, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay isku khilaafsan yihiin arrimo la xiriira maamulka dalka, hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.
