Wararkii ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo weli ka socda xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalo culus halkaasi ku dhexmareen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogag taageersan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaas oo sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan gobolka.

Dagaalada ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka magaalada Baydhabo iyo xaafado kamid ah gudaha magaalada, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen in muddo saacado ah rasaas aad u culus iyo qaraxyo xoogan laga maqlayay qaybo badan oo ka mid ah magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada guud ee khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi, iyadoona xaaladda magaalada Baydhabo ay haatan tahay mid aad u kacsan.

Dagaaladaan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee dhawaan lagu qabtay deegaannada maamulkaasi, taas oo dhalisay dood xooggan oo ku saabsan hannaanka loo maareeyay iyo sharciyadda natiijooyinka kasoo baxay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashooyinkaasi ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, halka siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaasha Laftagareen ay ku eedeeyeen dowladda inay awood ciidan iyo mid siyaasadeed ku maamuleyso geeddi-socodka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo haatan dowladda federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin faahfaahinta dagaalada, khasaaraha rasmiga ah iyo tallaabooyinka amni ee la qorsheynayo.

Si kastaba ha ahaatee, dagaaladaan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, kadib muranno la xiriira muddo-xileedka dowladda federaalka, hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.