Hay’adda socdaalka oo isbeddel ku sameeysay nidaamka safarka muwaadiniinta u safraya dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday isbeddel cusub oo lagu sameeyay nidaamka safarka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya dalka Masar, kadib markii ay soo baxeen cabashooyin iyo caqabado soo noqnoqday oo la xiriira isticmaalka warqadda oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan “OK-to-Board”.

Bayaan kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay go’aamisay in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo adeegsiga nidaamkaasi, kadib markii rakaab badan oo Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala kulmeen garoomada diyaaradaha ee dalka Masar.

Sida lagu sheegay bayaanka, laga bilaabo 24-ka May 2026, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalka Masar waxaa laga doonayaa inay helaan dal-ku-gal rasmi ah (Visa) oo ay bixiso safaaradda ama qunsuliyadda Masar, iyadoo meesha laga saaray nidaamkii hore ee “OK-to-Board”.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay dalka Masar maalmaihii lasoo dhaafay, sidaas awgeed, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026 si ku-meel-gaar ah loo hakiyay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan ‘OK-to-Board’” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda.

Sidoo kale, hay’adda socdaalka ayaa sheegtay in tallaabadaan looga gol leeyahay in lagu yareeyo dhibaatooyinka safarka ee soo noqnoqday, gaar ahaan xaaladaha ay rakaabka Soomaaliyeed kala kulmayeen dib-u-celin ama xanibaad garoomada diyaaradaha, inkastoo ay wateen warqadaha oggolaanshaha safarka.

Ugu dambeyn, hay’adda socdaalka ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la socdaan wararka iyo tilmaamaha rasmiga ah ee la xiriira safarrada dibadda, islamarkaana ay la xiriiraan qunsuliyadda Masar si ay u helaan dal-ku-galka rasmiga ah kahor inta aysan safrin.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan cusub ee kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira lagu xanibay tiro rakaab soomaali ah oo gaaraya 35 qof, kuwaas oo loo diiday inay gudaha u galaan ama kasoo baxaan dalkaas Masar.

Hay'adda socdaalka oo isbeddel ku sameeysay nidaamka safarka muwaadiniinta u safraya dalka Masar