Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kormeerka guddoomiye Muungaab ayaa la xiriirtay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo sare u qaadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida caasimadda Muqdisho, wuxuuna halkaasi kulan kula qaatay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xerada TurkSom, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo horumarinta tababarrada ciidamada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Saraakiisha iyo maamulka xerada TurkSom ayaa guddoomiyaha siiyay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlaha tababarka ciidamada, tayeynta iyo dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, iyo sidoo kale doorka muhiimka ah ee TurkSom ay ka qaadato taageerada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday qorshayaasha la xiriira garab istaagga bulshada danyarta ah, gaar ahaan xilliyada munaasabadaha Ciidul Adxaa, iyadoo la adkeynayo taageerada loo fidinayo dadka nugul iyo xoojinta isku xirnaanta hay’adaha dowladda iyo shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Kormeerkan uu guddoomiyuhu ku tagay xerada TurkSom ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu adkeynayo iskaashiga u dhaxeeya hay’adaha dowladda iyo laamaha amniga, si loo sii joogteeyo nabadda, horumarka iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay xerada tababarka TurkSom

Si kastaba ha ahaatee, xerada TurkSom oo ay maamusho dowladda Turkiga ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee tababarka ciidamada Soomaaliya, waxaana lagu soo tababaray cutubyo muhiim ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.