Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, isagoona ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo abaabulka banaanbaxyo iyo qalqal amni oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
Muungaab oo xalay khudbad jeediyay ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu shacabka Muqdisho ku dhiirrigelinayo inay sameeyaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya, halka sida uu sheegay aan laga oggolayn banaanbaxyo noocaas ah inay ka dhacaan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland.
“Waxaan rabaa caawa in hal odey aan la garnaqsado oo la yiraahdo Saciid C/laahi Deni oo ah hoggaamiyaha maamulka Puntland. Diyaarad ayuu soo raacayaa Muqdisho ayuu imaanayaa, wuxuu leeyahay reer Muqdishow ku mudaaharaada dowladda oo halaga horyimaado, balse hal su’aal haddii aan weydiiyo; war inta aadan Garoowe kasoo tagin sow magaalo Soomaaliyeed ma aha? Maxaad shacabka halkaasi ugu dhihi weyday mudaaharaada, ama shacabka Boosaaso sidaasi ugu dhihi weyday? Sababtoo ah ma dhihi karo, kamana yeelayaan,” Ayuu yiri Muungaab.
Sidoo kale, Muungaab ayaa ku eedeeyay Saciid C/laahi Deni inuu si joogto ah u dhaliilo xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, inkastoo marka uu yimaado caasimadda uu deggo gudaha xerada Xalane oo si weyn loo ilaaliyo.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho inaysan ka qeyb qaadan banaanbaxyada maalmahan laga abaabulayo magaalada, kuwaas oo ay hormuud u yihiin xubno ka tirsan mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u dhaliilayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku doodaya in muddo xileedkiisa uu dhammaaday, isla markaana uu weli sii joogo Villa Soomaaliya.
Si katsaba ha ahaatee, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa sii xoogeysaneysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay weli taagan yihiin muranno la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.