Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xubno ka socday bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo la xiriira dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay bulshada rayidku ku leedahay xoojinta dowladnimada iyo kor u qaadidda ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, tayeynta adeegyada bulshada iyo hirgelinta hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay door muuqda ugu yeeshaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha xusay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah ay ka qaataan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, isagoo ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixiyaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo la xiriira daahfurnaanta dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo shacabka.
Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan dardargelinta dimuqraadiyadda, xoojinta isla xisaabtanka dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada si buuxda looga qeyb geliyo go’aanada la xiriira mustaqbalka dalka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dowladnimo iyo diyaarinta doorashooyin toos ah oo dalka ka qabsooma mustaqbalka dhow.