Dowladda federaalka oo ciidamo aad u badan ku daabuleysa magaalada Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

Warar lagu kalsoon yahay oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo aad u badan oo ka tirsan guutada Gorgor ku daabuleyso magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed oo u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), taas oo la xiriirta khilaaf ka taagan arrimaha doorashada iyo jihada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Sidoo kale, warar kale ayaa tilmaamaya in ciidamo dhawaan tababar u soo dhammaaday oo ku sugnaa qaybo ka mid ah Galmudug iyagana loo daabulayo Dhuusamareeb, halka ciidamo milateri ah oo laga keenayo gobolka Hiiraan la filayo in lagu xoojiyo joogitaanka ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Dhinaca kale, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa la sheegay inuu gudaha Dhuusamareeb ku leeyahay ciidamo taabacsan oo si gaar ah ugu heellan ilaalinta ammaankiisa iyo difaaca siyaasaddiisa, kuwaas oo sida wararku sheegayaan diyaar u ah inay ka jawaabaan wixii khatar ah ee la xiriira awoodda maamulka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu doonayo in isbeddel siyaasadeed ka hirgeliyo Galmudug, oo ay ku jiraan doorashooyin iyo hoggaan cusub, taas oo la sheegay inay ka mid tahay khilaafka sii xoogeysanaya.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor uu shalay si cad u sheegay inuusan aqbali doonin in deegaanada Galmudug ay ka dhacaan doorasho aysan bulshada deegaanka si buuxda raali uga ahayn.