Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), oo kamid ah siyaasiyiinta taageersan madaxweynaha Galmudug islamarkaana hore usoo noqday taliyihii ciidamada booliska gobolka Banaadir, ayaa maalintii shalay baraha bulshada ku baahiyay qoraal si weyn looga falceliyay, kaas oo loo fasiray hanjabaad ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Saadaq Joon ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Odey Xasanow ogow nabadda Dhuusamareeb iyo mida Warta-Nabadda way isku xiran yihiin,” hadal ay dad badan u fasirteen digniin siyaasadeed oo la xiriirta xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug.
Qoraalkaasi ayaa lagu tilmaamay inuu si dadban ugu wajahan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo la sheegay inuu dadaal weyn ugu jiro isbeddel siyaasadeed oo lagu sameeyo maamulka Galmudug.
Hadalka Saadaq Joon ayaa loo fahmay in haddii cadaadis siyaasadeed ama mid amni lagu saaro Galmudug, ay taasi saameyn ku yeelan karto xaaladda amni ee degmada Warta-Nabadda, halkaas oo ay ku taallo madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Ilaa iyo haatan, ma jiro wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku saabsan hadalka Saadaq Joon, hase yeeshee qoraalkaasi ayaa si weyn loogu falanqeynayaa baraha bulshada iyo goobaha siyaasadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaan Saadaq Joon ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka Galmudug, islamarkaana ay jiraan warar ku saabsan loollan siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta taageersan madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).