Beesha caalamka oo baaq deg deg u dirtay madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka

Beesha caalamka oo baaq deg deg u dirtay madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka

War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka inay si deg deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalada siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan wadatashi, tanaasul iyo in la helo hannaan doorasho oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay diyaar u yihiin inay taageeraan islamarkaana ay fududeeyaan wadahadalada haddii loo baahdo, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabaan wadahadalka, si xal kama dambeys ah looga gaaro hannaanka doorashada, iyadoo mudnaanta la siinayo danta shacabka Soomaaliyeed” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ku jirto xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan in madaxda iyo dhinacyada siyaasadda ay muujiyaan mas’uuliyad dheeri ah si looga fogaado khilaafyo hor leh oo saameyn kara xasilloonida dalka, islamarkaana loo helo geeddi-socod doorasho oo lagu wada heshiiyay.

“Xilligaan xasaasiga ah, waxaan ku dhiirri-gelineynaa madaxda dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta khilaafyo hor leh oo saameyn kara xasilloonida dalka, islamarkaana ay mudnaanta siiyaan danta qaranka” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyadoo ay socdaan dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay gaaraan heshiis mideysan oo ku saabsan jihada doorashooyinka dalka.