Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bandow habeenkii ah oo laga dhaqan-gelinayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo la xoojinayo amniga magaalada xilli lagu jiro diyaar-garowga doorashooyinka maamulka.
Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon), oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in bandowga uu dhaqan-galayo laga bilaabo caawa saacadda markii ay tahay 7:00 fiidnimo kuna ekaan doona waaberiga hore ee xilliga salaada subaxa maalin kasta ilaa amar dambe.
Wasiirka ayaa sheegay in muddada uu bandowgu socdo la mamnuucay dhammaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay sugidda amniga iyo ka hortagga falal kasta oo carqaladeyn kara geeddi-socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in la mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada Baydhabo, waxaana la faray ciidamada ammaanka inay si adag u dhaqan-geliyaan awaamiirta cusub ee lasoo saaray.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Baydhabo inay u hoggaansamaan awaamiirta maamulka, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa haatan martigelinaysa diyaar-garowga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo amniga guud ee magaalada si weyn loo adkeeyay.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada howlgallo amni xaqiijin ah oo ka socda gudaha magaalada iyo duleedkeeda, si loo sugo ammaanka goobaha muhiimka ah iyo xarumaha ay ka dhici doonaan howlaha doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, bandowgan caawa bilaabanaya ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ay ka jirto feejignaan amni oo aad u sareeysa, iyadoo maamulka uu dadaal ugu jiro in doorashooyinka soo socda ay ku qabsoomaan jawi amni iyo xasillooni leh.