Khayre oo si adag uga hadlay xaaladda dhalinyaro uu sheegay in si sharci darro loo xiray

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dhalinyaro uu sheegay in si sharci darro ah loo xiray, kuwaas oo qaarkood markii dambe la sii daayay, halka qaar kalena ay weli ku xiran yihiin xabsiyada dalka.

Khayre oo hadal kooban ka jeediyay kulan ay si gaar ah u soo qaban-qaabiyeen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u ammaanay qaar ka mid ah dhalinyarada dhawaan laga sii daayay xabsiyada, isagoo sheegay inay muujiyeen adkaysi iyo dulqaad muddada ay xabsiga ku jireen.

Waxa uu sheegay in dhalinyarada lasii daayay iyo kuwa weli xabsiyada ku jira laga doonayo inay soo gudbiyaan magacyada saraakiisha uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen xariggooda.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay is abaabulaan isla markaana ay ka hortagaan, sida uu sheegay, cadaadis siyaasadeed oo uu ku eedeeyay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Xasan Cali Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan is-mari-waaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya xorriyadda hadalka, xarigga dhalinyarada iyo hannaanka doorashooyinka dalka.