Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay weerarradii lagu qaaday hoygiisa iyo kan Xasan Cali Khayre

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay weerarradii xalay lagu kala qaaday guryaha ay degan yihiin isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, kuwaas oo ku yaalla degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku cambaareeyay weerarka lagu qaaday hoyga Xasan Cali Khayre, isaga oo ku tilmaamay mid halis gelinaya amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday guriga Xasan Cali Khayre uu dhacay xilli uu Khayre halkaasi kulan kula lahaa Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay weerarkii isla xalay lagu qaaday hoygiisa ku yaalla deegaanka Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu ka dambeeyay labadaas weerar, sida uu sheegayna uu u adeegsaday ciidamada qaranka.

Waxa uu ku tilmaamay weerarradaasi kuwo lagu cabsi gelinayo siyaasiyiinta mucaaradka, xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ficillada noocan oo kale ah aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka mucaaradka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee ay wadaan, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

“Weerarradan ma baajin doonaan bannaanbaxyada bulshada caasimadda ay ku diiddan yihiin dulmiga, barakicinta iyo ku takrifalka awoodda dowladda,” ayuu Sheekh Shariif ku yiri qoraalkiisa.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabeyso eedeymaha uu soo jeediyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee la xiriira weerarrada la sheegay in lagu qaaday hoygiisa iyo kan Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara sii hurinta xiisadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo ay socdaan abaabulo la xiriira bannaanbaxyo ay mucaaradku qorsheynayaan inay maanta ka qabtaan qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.