Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dagaalka galabta ka dhacay agagaarka gurigii uu xalay degay

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay dagaal la sheegay inuu galabta ka dhacay agagaarka gurigii uu xalay ka degay degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Khayre ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in dagaalka uu dhacay, xilli uu kulan kula jiray ugaaska beesha Murusade iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

“Waxaan annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday,” Sidaas waxaa qoraal ku yiri Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay weerarkaasi, isagoona sheegay inuu kusoo aaday xilli ay ku jireen diyaar-garowga bannaanbax ay qorsheeyeen inuu berri ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

“Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo nasoo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo mudlan” Ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, isagoona sidoo kale caafimaad deg-deg ah u rajeeyay dadkii kale ee ku dhaawacmay.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayso eedeymaha uu soo jeediyay Xasan Cali Khayre, mana jirto faah-faahin rasmi ah oo laga bixiyay sababaha keenay dagaalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira caasimadda Muqdisho, iyadoo dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay weli isku hayaan arrimo la xiriira bannaanbaxyada, hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.