Sheekh Shariif oo aqbalay inuu ka guuro deegaanka Mirinaayo ee degmada C/casiis

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu gebi ahaan isaga guuro deegaanka Mirinaayo ee degmada C/casiis, halkaas oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ay ka dhaceen iska horimaadyo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu maanta dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu guuleystay.

Wararka ayaa tilmaamaya in odayaal dhaqameed, diblomaasiyiin caalami ah iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysteen inay ku qanciyaan Sheekh Shariif inuu ka guuro deegaankaasi, si loo yareeyo xiisadaha ka taagan magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa hore u diiday codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa inuu isaga guuro deegaanka Mirinaayo, balse sheegay inuusan marnaba ka guurayn illaa uu ka gaaro danihii uu markii hore halkaasi ugu soo guuray.

Dib ugu laabashada Sheekh Shariif ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qayb ka noqon karta dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee Muqdisho, iyadoo weli ay socdaan wada-hadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka jira.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli socda, iyadoo la rajeynayo in laga hortago xiisado hor leh iyo kororka xaaladaha aan degganayn ee ka jira magaalada Muqdisho.