Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay xil sare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay xilka Lataliyaha sare ee madaxweynaha, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa lagu tilmaamaa mas’uul qaran oo leh waayo-aragnimo dheer iyo aqoon qoto dheer oo ku saabsan arrimaha dowlad-dhiska, maamulka iyo horumarinta hay’adaha dowladda, wuxuuna mudadii uu ku jiray adeegga qaranka, soo qabtay mas’uuliyado kala duwan, isaga oo door muuqda ka qaatay geeddi-socodka dib u dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Danjire Salaad Cali Jeelle kartidiisa, khibraddiisa iyo kaalintii uu kasoo qaatay adeegga qaranka, isaga oo xusay in magacaabistiisu ay ku timid aqoon, waayo-aragnimo iyo waxqabad muuqda oo uu kasoo muujiyay xilalkii kala duwanaa ee uu hore u soo qabtay.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay kalsooni buuxdo inuu ku qabo in Lataliyaha cusub si hufan, mas’uuliyad iyo daacadnimo leh uga soo bixi doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu door wax ku ool ah ka qaadan doono hirgelinta himilooyinka dowladda iyo horumarinta adeegyada shacabka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Danjire Salaad Cali Jeelle inuu ku guuleysto gudashada mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inuu sii wado u adeegidda qaranka Soomaaliyeed, kuna guto xilkiisa daacadnimo, hufnaan, karti iyo waddaniyad.