Dowladda oo si adag u beenisay warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ay sababeen khasaare baaxad leh.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladii 3-dii iyo 4-tii Juun 2026 ee ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xogta laga uruuriyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee caasimadda ay muujineyso in 55 qof ay ku dhaawacmeen, halka hal qof oo kaliya uu ku dhintay.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku adkaysatay in xogtan ay ku saleysan tahay diiwaannada rasmiga ah ee laga helay xarumaha caafimaadka, halkaas oo lagu daweeyay ama lagu diiwaangeliyay dadka waxyeelladu kasoo gaartay dagaaladaas.

Ugu dambeyn, wasaaradda caafimaadka ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo hay’adaha kala duwan inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay faafinayaan xogaha la xiriira dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si looga fogaado warar aan la xaqiijin oo sababi kara marin-habaabin iyo jahawareer bulshada dhexdeeda ah.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen warar kala duwan oo laga baahinayay khasaaraha ka dhashay xiisadihii iyo dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo weli si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda dalka.

Dowladda oo si adag u beenisay warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay