Hillary Clinton oo dhaleeceysay go’aanka loogu diiday garsoore Soomaaliyeed inuu galo Mareykanka

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Hillary Clinton

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa dhaleeceysay go’aanka maamulka Donald Trump ee loogu diiday garsooraha Soomaaliyeed Cumar C/qaadir Cartan inuu galo Mareykanka, isagoo wixii uu watay ay sharci yihiin.

Cartan, oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay howlaha diyaar-garowga Koobka Adduunka 2026, ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha Miami xilli uu u socday tababar la xiriira tartanka ay wada martigelinayaan Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Qoraal ay ku baahisay barta X, Hillary Clinton ayaa ku tilmaantay tallaabadaas mid aan ku habboonayn dal martigelinaya dhacdo caalami ah sida Koobka Adduunka.

“Mareykanku maadaama uu martigelinayo Koobka Adduunka, ma ahan inuu ka hor istaago mas’uuliyiinta ciyaaraha inay dalka galaan si ay shaqadooda u gutaan” ayay tiri Hillary Clinton, iyadoo ku tilmaantay go’aankaas mid dib-u-dhac ah oo aan faa’iido lahayn.

Dhinaca kale, FIFA ayaa xaqiijisay in Cartan uusan ka qeyb geli doonin tababarrada la siinayo garsoorayaasha iyo howlaha la xiriira Koobka Adduunka 2026, iyadoo sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn go’aannada socdaalka ama bixinta fiisooyinka ee dalalka martida loo yahay.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in gelitaanka Cartan loo diiday sababo la xiriira baaritaanno amni, inkastoo aan la shaacin faahfaahin dheeraad ah.

Cumar Cartan ayaa sheegay inuu weli niyad wanaagsan ku sugan yahay, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada iyo horumarinta xirfaddiisa garsoornimo, isagoona sidoo kale uga mahadceliyay FIFA, CAF iyo dhammaan dadka taageerada u muujiyay.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa dhalisay dood ballaaran, iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin in dal martigelinaya tartan caalami ah ay tahay inuu fududeeyo ka qeybgalka ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta ka kala imaanaya dalalka kala duwan ee dunida.