Garsoore Soomaaliyeed Cumar C/qaadir Cartan oo loo diiday inuu galo dalka Mareykanka

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar C/qaadir Cartan

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar C/qaadir Cartan, ayaa ka haray ka qeybgalka Koobka Adduunka 2026 kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, oo ka mid ah saddexda dal ee martigelinaya tartanka.

Cartan, oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee dhinaca ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha FIFA u xulatay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka, waxaana laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami kadib baaritaanno dheeraad ah oo ay sameeyeen saraakiisha socdaalka Mareykanka.

FIFA ayaa xaqiijisay in garsooraha Soomaaliyeed uusan ka mid noqon doonin garsoorayaasha tartanka, iyadoo xustay in arrimaha la xiriira gelitaanka dalalka iyo fiisooyinka ay go’aamiyaan dowladaha martigelinaya, islamarkaana aysan ku jirin awoodda xiriirka.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ballaaran, maadaama ka qeybgalka Cartan ee Koobka Adduunka loo arkayay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, iyadoona xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu haatan wado dadaallo lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay in garsooraha laga hor istaago gelitaanka Mareykanka.

Cumar C/qaadir Cartan ayaa tan iyo sanadkii 2018 ka tirsanaa garsoorayaasha FIFA, wuxuuna maamulay tartamo waaweyn oo qaaradeed, isagoo ka mid noqday garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika sanadihii u dambeeyay.