Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Garsooraha heerka caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar C/qaadir Cartan, ayaa maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka.

Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, madax ka socotay bahda ciyaaraha iyo boqolaal shacab ah oo u tegay garoonka si ay u muujiyaan taageeradooda iyo garab istaagga ay u hayaan garsooraha Soomaaliyeed.

Cumar C/qaadir Cartan ayaa hadal kooban oo uu jeediyay kadib soo dhaweynta uga mahadceliyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay munaasabadda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay mar walba ilaashadaan sumcadda iyo magaca dalka.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho
Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Garsooraha ayaa sheegay in inkastoo uu seegay ka qeybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan, haddana uu rajo weyn ka qabo inuu ka mid noqdo garsoorayaasha tartamada waaweyn ee soo socda, islamarkaana uu sii wadi doono dadaallada uu ugu jiro horumarinta xirfaddiisa garsoornimo.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Cartan ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la difaaco magaca Soomaaliya, isagoo tilmaamay in guulaha shaqsiyaadka Soomaaliyeed ay yihiin guulo qaran oo ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo maanta si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho ayaa timid maalmo kadib markii laga hor istaagay inuu galo dalka Mareykanka, xilli uu kamid ahaa garsoorayaashii FIFA u xulatay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka 2026. Arrintaasi ayaa keentay in laga saaro liiska garsoorayaasha tartanka, inkastoo uu horey ugu jiray qorshaha garsooreed ee koobka.

Cumar C/qaadir Cartan ayaa lagu xusuusan doonaa inuu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee gaara heerka loo xusho garsooridda Koobka Adduunka, taasoo loo arko guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya iyo kubadda cagta Afrika guud ahaan.

Si kastaba ha ahaatee, soo dhaweynta maanta loogu sameeyay Muqdisho garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa muujisay taageerada ballaaran ee uu ka dhex helayo bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo u arka Cartan astaan guul iyo matalaad wanaagsan oo Soomaaliya ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.