Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay xaaladda ka taagan xaafadda Goley ee degmada C/casiis

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kacsan ee ka taagan xaafadda Goley ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan howlgal ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid walaac leh, isla markaana ciidamada dowladda ay si xad-dhaaf ah u adeegsanayaan awood, taas oo uu sheegay inay si toos ah u saameysay shacabka rayidka ah ee deegaanka.

Wuxuu xusay in tallaabooyinka ay wadaan ciidamada dowladda ee la xiriira barakicinta iyo burburinta guryaha dadka danyarta ah ay horseedi karaan barakac iyo khasaare nafeed iyo mid maalba leh oo soo gaara dadka shacabka ah.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada dowladda inay rasaasta nool-nool ku ridayaan dad shacab ah oo cabasho muujinaya, taas oo uu ku tilmaamay inay sii adkeyneyso xaaladda, isla markaana ay dhaawaceyso kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga.

Wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay sida ciidamada dowladdu ula dhaqmayaan shacabka rayidka ah ee deegaanka Goley, isagoo ku tilmaamay in falalkaasi ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo dhaawacaya amniga guud iyo kalsoonida bulshada.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu mas’uul ka yahay xaaladda taagan, isagoo sheegay in go’aannada iyo amarrada la fulinayo ay isaga ka yimaadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho inay si wadajir ah uga hortagtaan xaaladahaan uu ku tilmaamay kuwo ka baxsan hab-dhaqanka dowladnimo iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ugu digay saraakiisha ciidamada sii socoshada gabood-faladda ka dhanka ah bulshada rayidka ah ee iyagu si nabad ah codkooda ugu muujinaya dareenkooda ku aadan tacadiyadda sii kordhaya sida boobka iyo barakicinta qasabka ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad ka taagan tahay xaafadda Goley ee magaalada Muqdisho, iyadoona aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay howlgalka weli socda xaafadaas.