Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay qorshaha hub ka dhigista ee dowladda ka waddo Muqdisho

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay qorshaha hub ka dhigista ee dowladda ka waddo Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay qorshaha hub ka dhigista ee dowladda federaalka ay ka waddo magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in arrintaasi u baahan tahay wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sheekh Shariif, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hirgelinta qorshe kasta oo la xiriira hub ka dhigista ay tahay in lagu saleeyo is-afgarad qaran iyo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

“Waxaan rabaa inaan ka dhawaajiyo arrin kusoo korortay arrimaha doorashooyinka, taas oo ah hub ka dhigis, waxay arrintaasi u baahan tahay hannaan lagu heshiiyey, siyaasad guud iyo amni guud, kuwa maanta aan jidka ka mari la’nahay islamarkaana aan gurigeena ka joogi la’nahay, hub ka dhigis naguma sameyn karaan, taasna waxaan u aragnaa daan-daansi iyo edeb darro,” Ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in hubka yaalla dalka uusan dhammaantiis ku jirin gacanta ciidamada qalabka sida, balse qaybo ka mid ah ay haystaan shaqsiyaad iyo kooxo gaar ah.

“Hubka dowladda soo galay ee dalka yaalla, wuxuu si gaar ah gacanta ugu jiraa shaqsiyaad iyo kooxo gaar ah, mana aha mid si buuxdo gacanta ugu jira hay’adaha amniga, marka qof xilkiisu ka dhammaaday, isla markaana hub uruursi ku jira, inuu yiraahdo dadka ayaan hubka ka dhigayaa waa nasiib darro,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay degmooyinka H/wadaag iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inay ahaayeen kuwa muddo badan socday, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo ammaanka caasimadda.

Sheekh Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dagaaladaasi ku tilmaamo shaqaaqo yar oo magaalada ka dhacay, taas oo uu ku sheegay inay tahay mas’uuliyad darro haysata.

“Waa mas’uuliyad darro in madaxweyne Xasan Sheekh uu shaqaaqo yar ku tilmaamo xabaddii socotay in ka badan 24 saac ee ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee gaartay illaa degmada Cadale, marka hadii shaqaaqo yar ahayd, sidee dhaqaalaha saameyn ugu yeelatay” Sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay ballan-qaad la’aan iyo damiir xumo, isagoo sheegay in dad aqyaar ah ay isaga ugu yimaadeen gurigii uu ka deganaa degmada C/casiis, kana codsadeen in xabbadda la joojiyo islamarkaana uu gurigiisa dib ugu laabto.

Wuxuu sheegay in markii uu aqbalay codsiga dadkaasi aqyaarta ah, daqiiqado yar kadib markii uu jidka kusii jiray la istaajiyay, si xunna loola dhaqmay, taasoo uu ku tilmaamay arrin ka tarjumaysa kalsooni darro iyo hab-dhaqan aan habboonayn oo ay dowladda kula kacday.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ay qayb ka yihiin qorshayaal lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah, lagu sugayo amniga guud, laguna yareynayo khataraha amni ee ka jira magaalada.