Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta gaaray magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Cirro ayaa kulan rasmi ah la yeeshay madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, iyadoo wadahadaladooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, maalgashiga iyo arrimaha horumarinta ee labada dhinac.
Kulankaas ayaa lagu tilmaamay mid hordhac u ah wada-hadallo dheeraad ah oo la filayo inuu la yeesho madaxda kale ee Israa’iil, oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha dalkaas, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirka arrimaha dibadda, Gideon Sa’ar.
Madaxweyne Cirro iyo madaxweynaha Israa’iil oo kulankooda kadib si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.
Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro, ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaro safaaradda cusub ee Somaliland ka furatay magaalada Qudus, isagoona halkaas ka jeedin doonna khudbad.
Sidoo kale, ilo-wareedyo ayaa tilmaamaya in madaxweyne Cirro uu saxiixi doonno heshiiska Abraham Accords, hase yeeshee ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo xaqiijinaya arrintaas.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan madaxweyne Cirro ee Israa’iil ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan is-dhexgalka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelanayso Israa’iil, halka dowladda federaalka Soomaaliya aysan weli si rasmi ah uga hadlin booqashadaas.